DF oo ka hadashay furitaanka shirka Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadashay furitaanka wadahadaladda Dhuusamareeb ayaa xustey in qorshuhu ahaa in uu bilowdo fiidnimadii xalay balse uu u baaqdey "madaxda oo daalneyd iyo qorshaha oo dib u dhacay".

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta oo xalay saqdii dhexe shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Dhuusamareeb, ayaa daaha ka rogay inay rajeynayaan in wadaxaajoodyaddu bilowdaan gelinka hore ee maanta ama ugu dambeyn fiidnimadda caawa.

"Waxaan rajeynaynaa in shirkaan Dhuusamareeb 4 uu ayidaad u noqdo heshiiskii 17-kii September ee lagu gaarey Muqdisho," ayuu ku daray Mr Dubbe oo ku hadlay afka madaxda dowladda dhexe.

Shirkaan oo madaxweyne Farmaajo iclaamiyey 31-dii Janaayo, 2020 ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo 1-da Febraayo lana soo gabagabeeyo 3-da Febraayo, balse waxaa muuqata in aysan dhicin.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dib-u-dhacaas, balse waxaa loo aaneynayaa jadwalka oo si deg-deg ah lagu sameeyay iyo imaatinka hogaamiyeyaasha oo waqti qaadatay.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa shalay ku biiray Farmaajo, ra'iisul wasaare Rooble iyo hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo kal hore iska xaadiriyey Dhuusamareeb.

Wadaxaajoodyaddan oo si weyn isha loogu hayo ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee madaxda Soomaalida ay is-afgarad uga gaari lahaayeen is-faham-waaga ka taagan qodobadda qaar ee bud-dhiga u ah doorashadda si gaar ah dhaqan-gelinta heshiiskii September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM