DF Soomaaliya oo u jawaabtay Beesha Caalamka iyo Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa durba waxay ka jawaabtay walaacii ay maanta Beesha Caalamka ka muujiyeen nooca doorashooyinka soo aadan ee sanadka 2020-21.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa tilmaamay in aysan jirin nooc doorasho oo ay si gaar ah u doonayaan madaxda dalka, isagoo tibaaxay in dowladdu qabaneyso coddeyn lagu heshiiyey.

Cawad oo u waramay laanta Af Soomaaliga BBC-da ayaa sheegay in uu maanta warbixin siiyey wakiilada beesha caalamka. Warbixintiisa ayuu xusay in ay la xiriirtay xaalada siyaasadeed ee waddanka iyo Covid-19.

"Waa kulan joogta ah oo ah dhaqan diblumaasiyadeed oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dal ay u warbixiso diblumaasiyiinta dalkeeda jooga, adigu markii muddo la joogaba uga waranta xaaladaha dalka ka jira iyaddoo xog ogaal u ahee oo codka dowladda la maqlo," ayuu ku sharaxay shirkaas.

Isagoo "hadal sax ah" ku qeexay dhawaqa in aysan sharciyad heli karin nooc doorasho oo cid gaar ah ku kooban, xukuumada ayuu ku adkeystay in ay ka shaqeyneyso sidii coddeyn wadar-ogol ku timid u dhici lahayd.

Dhanka kale, wasiir Cawad oo ka falceliyey hadalkii Mareykanka ku naqdiyey xil ka qaadistii ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa meesha ka saarey in bayaanka Washington ay ku jirtay "qaswadayaal".

"Warqada kasoo baxdey Mareykanka waa soo afjartay markii ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aniga aragtideyda kamid ahaa ra'iisul wasaareyaashii ugu fiicnaa ee dalka soo mara uu si sharaf leh u aqbalay go'aankii baarlamaanka," ayuu ku daray Cawad oo Washington kasoo shaqeeyay.

Xilli uu carabka ku dhuftay in madaxda Soomaalida "aysan caado u ahayn wax loo yeeriyo," haddana talooyinka kaga imaanaya saaxiibada caalamka ayuu qiray in ay tixgelinayaan "casharna ka baranayaan".

Dowladda Soomaaliya ayaa ku celcelisa in doorasho la isla ogol-yahay ay dalka ka dhaceyso, haddana waxaa shaki abuuraya talaabooyinka ay madaxdu qaadayaan oo ay ugu dambeysay riditaankii xukuumadda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM