DF oo ka jawaabtay wararka sheegaya in la fududeeyay baxsashada Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay baxsashada Wasiirka Amniga Jubaland, mudane Cabdirashiid Janan.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka amniga Qaranka, ayaa sheegay "in ay aad iyo aad kaga xun yihiin fakashada". Janan wuxuu baxsaday 28-kii Janaayo, 2020.

Isagoo la hadlay Tv-ga Universal, wasiirka ayaa daboolka ka qaadey in ay baaris ku socoto kiiska. Wallow uusan shaacin, warar ayaa sheegaya in ay jiraan askar loo xiray arrintaan.

Mr Islow ayaa meesha ka saarey in mas'uuliyiin ka tirsan dowlada ay fududeeyeen baxsashadda Janan. Jubaland ayaa horey kaga dhawaajisay warkaas.

Dhanka kale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaadey in dhowaan dib loo furi doono waddooyinka Muqdisho.

"Dhegxaanta waa laga fogeyn doonaa wadada Wadnaha, waxaa la geyn doonaa Warshadaha," ayuu xusay, isagoo aan muddeyn waqtiga.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa si cad daaha uga rogay in dowladda ay magdhow ka bixisay askartii lagu dilay weerarkii lagu qaadey hoyga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii hogaamiyaha xisbiga Wadajir uu madaxweyne Farmaajo ku booriyey in uu cudurdaar iyo raaligelin uu ka bixiyo duulaankaas.

"Waxaan soo dhoweynayaa cudurdaarka uu Madaxweyne Farmaajo ka bixiyey xasuuqii uu rajiimkii milateriga ahaa magaca qaranka Soomaaliyeed ugu geystay walaalaheen Somaliland. Waxaan ka dhowrayaa in uu cudurdaar ka bixiyo Askartii ilaalada ka ahayd Xarunta Xisbiga Wadajir ee isaga amarkiisa lagu laayey, xabaal wadareedkana lagu aasay," ayuu xusay.

Warsame oo kamid ahaa xubnihii doorashadii 2017-kii kula tartamay madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah siyaasiyiinta si furan uga soo horjeeda xukuumada tala haysa ee Nabad iyo Nolol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM