Dowladda Soomaaliya oo isbedel ku sameyneysa kiisaska saxaafadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kiisaska saxaafadda u aqoonsaneysa kuwa madani ah, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda, xilli ay jiraan eedeymo ku saabsan cagajugleyn iyo xarig.

Cabdinuur Maxamed, agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya oo u waramay Radio Shabelle, ayaa tibaaxay in qorshahaan uu qayb ka yahay dib-u-eegis lagu sameynayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

"Waxaan meesha ka saareynaa in saxafiga loosoo xiro si aan habooneyn, waxaana ay noqon doontaa in warqada loo keeno oo la yiraahdo maalintaas maxkamadaa laga doonayaa," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in uu isbedel ku sameyn doono xeerkaas oo soo baxay 1964-tii, isla markaana lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha dalka.

Dhinaca kale, xeerka Saxaafadda oo madaxweynuhu uusan wali saxiixin ayuu Cabdinuur daboolka ka qaadey in uu ku jiro heerka talo-bixinta sharciga ah.

Inkastoo maamulkiisa lagu eedeeyo laaluush siinta warbaahinta iyo in ay u adeegsato siyaasiyiinta ka aragtida duwan, Farmaajo ayaa xusay in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin tacadiyada saxafiyiinta.

"Maamulkeygu uma dulqaadan doono meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, wuxuuna sii wadi doonaa in uu sameeyo waxa ugu wanaagsan si aan dambi looga dhigin saxaafadda iyo dhamaan nooc kasta oo xadgudub ku ah warbaahinta, iyaddoo lagu saleynayo aragtidooda siyaasadeed," ayuu Farmaajo ku yiri fariintiisa Maalinta Saxaafada Aduunka, 3, May.

Dhanka kale, agaasime Cabdinuur ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha sheegaya in dowlada Farmaajo ay handadaad iyo caburin ku hayso warbaahinta madaxa-banaan ee Soomaaliyeed.

Xilli uu iska-indha-tiray xariga ay wariyeyaal aan wali xorriyadooda helin iyo hanjabaada ay hay'adda sirdoonka ku hayso war-fidiyeenka, agaasimaha ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay ilaalinta saxaafada.

"Ma jirto idaacad ama telefishin la xiray inta uu madaxweynuhu yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, siddii horey u dhici jirtay. Kuwa na eedeynaya waxay dusha noo saarayaan waxa ka dhacay guud ahaan dalka, annaga mas'uul kama noqon karno, sababtoo ah maamulo ayaa ka jira," ayuu ku daray.

Itoobiya ayaa kamid ah dalalkii ugu dambeeyay ee gobolka Geeska Afrika ee laalay sharciga kiisaska saxaafada ka dhigaya ciqaab, waxayna qayb ka tahay isbedelka siyaasadeed ee wadankaas ka dhacay sanadihii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM