DF oo ku fashilantay dhaqan-gelinta amarka xiritaanka Masaajida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fasaxday in Salaadaha lagu ogoodo Masaajida, sidda ay shir jaraa'id oo xafiiska ra'iisul wasaaraha lagu qabtay ka sheegeen culimo.

Wadaada ayaa xukuumadda kaga mahadceliyey in ay "tixgelisay" talo soo jeedinta ay u bandhigeen oo ahayd in aan loo xirin Masaajida sabab la xiriirta fayruska safmareenka ah ee Corona.

Tani ayaa ka dhigan in Sheekhyada ay dowladda kaga guuleysteen is-marin-waa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa arrintan. Masaajida waxay ka yimid yihiin meelaha uu cudurka ku faafo.

Wadahadalo albaabada u xirnaa oo mudooyinkii dambe ay culimada kula jireen xukuumadda ayay ku diideen go'aan uu qaatay Guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 kaasoo ahaa in la xiro Masaajida.

Qaar kamid ah maamulada dalka iyo dowladaha caalamka ayaa ku guuleystay in ay albaabada u laabaan Masaajida, iyaddoo la eegayo badqabka caafimaad.

Culimada ku dhawaaqay in la ogolaaday in ay sii furnaadaan Masaajid ayaa xiriir dhow la leh dowladda Farmaajo oo la rumeysan yahay in ay siiso lacag. Huteelada ugu waaweyn caasimada ayay degan yihiin.

Talaabada lagu fasaxay Salaadaha Jameecada ayaa kusoo aadeysa xilli ay si meelinl ah u sii kordhayaan kiisaska cudurka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta shaacisay in ay gaareen 601 xaalado.

Magaala madaxda dalka ayaa ah meesha ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee uu soo ritay xanuunka, tirro kale oo qarsaday ayaana jira, sidda ay ka dhawaajiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Wasaarada.

Iyaddoo la og-yahay in qaababka uu caabuqa ku faafo ay kamid tahay isu imaatinka, lama ogga sababta keentay in dowladda ka tanaasusho go'aankeedii ahaa in albaabada loo laabo Masaajida.

Dhanka kale, culimadda ayaa soo bandhigtay habraaca Masaajida loogu tukanayo waxaana kamid ah; in la xiro suuliyada, Qof walba sali uu kasoo qaato gurigiisa, Dadka waayeelka ah in aysan imaan, in ay kala fogaato jameecada iyo in la geeyo qalabka ka hortaga sida maaskarada.

Horaantii bishaan April, ciidamada ammaanka ayaa ku guuldareystay in ay xoog ku dhaqan-geliyaan amar xiritaanka Masaajida, talaabadaas oo dhalisay banaanbax ay qayb ka ahaayeen xirta culimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM