DF oo raadineysa rakaabka diyaaradii keentay ruuxa laga helay Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey baadigoob ka dhan ah rakaabkii saarnaa diyaaradii uu la socday ruuxa laga helay caabuqa Coronavirus.

Muwaadinka oo ka yimid dalka Shiinaha waxaa dalka uu soo galay 10-kii bishaan Maaj, isagoo soo maray caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. Ethiopian Airlines ayaanna soo qaadey.

Wasaarada Caafimaadka oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa tilmaamtay in sababta arrintaan loo sameynayo ay tahay siddii looga hortagi lahaa in ay qaad-siiyaan dad kale oo dheeri ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasaarada

• Kadib xaqiijintii kiiska bukaanka qaba xanuunka COVID-19, Wasaaradda Caadimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay umadda Somaliyeed la socodsiinaysaa inuusan jirin kiis kale oo laga shakiyay ama la xaqiijiyay

• Kiiska la xaqiijiyay waxa uu wadanka kasoo galay dibadda, waxay Wasaaradda ku dadaalaysaa in laga hortago faafidda xanuunka ee gudaha waddanka

• Wasaaradda waxay ku daba-joogtaa dhamaan rakaabkii diyaaradda la saarnaa qofka la xaqiijiyay inuu qabo cudurka COVID-19.

• Dawlada waxay u qoondeysay 5 milyan oo Dollarka Maraykan ka ah guud ahaan dalka si loo xakameeyo faafida cudurka

• Wasaaraddu waxay furtay lambarka Gurmadka Caafimaadka degdegga ah 449. Qofkii u baahdo macluumaad ama talo la xariirta cudurka COVID-19 ama isaga shakiya ha waco 449

• Waxa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho lagu diyaariyey xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka

• Waxa isbitaal De Martino ee magaalada Muqdisho loo qoondeeyay inu noqdo xarunta daaweynta bukaanada la xaqiijiyo inay qabaan cudurka COVID-19.

• Waxa ay Wasaaaraddu qorsheynaysaa in wadanka la keeno agabka lagu xaqiijin karo cudurka COVID-19 sida ugu dhaqsiyaha badan.

• Si looga hortago cudurka faafidiisa, dawladda waxay joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee wadanka imaanayey ama ka baxayey laga bilaabo 19ka Maarso 2020.
• Sidoo kale waxa ay dawladdu fasaxday dhamaan iskuulladii, waxayna joojisey isu-imaatinka dad-weynaha

• Isha kaliya ee wararka xaqiiqda ah ee la xiriira cudurka COVID-19 waa Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed.


Go'aanka wasaarada ayaa kusoo beegamaya iyaddoo ra'iisul wasaaraha uu amray in la xiro goobaha waxbarashadda isla markaana la joojiyo dhamaan shirarka iyo kulamada dadweynaha ee aan muhiimka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo safar qarsoodi ah ku tagey Muqdisho

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay bishii Oktoobar markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku biiray shir madaxeedkii Asmara.

  • Soomaliya

    01-11-2024

  • 01:54PM

Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay Qadar iyo Shiinaha

Shirka waxaa guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    31-10-2024

  • 10:05AM