DF oo lacag ku bedelatay go'aan ay ka qaadatay shirkado xadgudub ku kacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ganaax lacageed ku bedeshay shirkado ay kala noqotay ruqsadaha kadib markii ay ku xadgudubeen xayiraadaha loosoo rogay safmareenka faafa ee Covid-19.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada oo magacyadda shirkadahaas ku kala sheegay Bas Air iyo Silver Stones, ayaa tibaaxay in la siiyey digniin kama dambeys ah iyo warqad laga saxiixay.

Diyaarado ay leeyihiin shirkadahaan ayaa dalka soo geliyey Khaad, iyagoo been u sheegay mas'uuliyiinta iskana dhigay in ay wadaan agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga fayruskaas dilaaga ah.

Shirkadahaan laga leeyahay Kenya ayaa bixiyey min saddex oo Doolar-ka, sidda uu wariyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA Somali, oo su'aal ka keenay in ay lacagta u dhiganto waxyeelada ka dhalatay ficiladooda.

Mid kamid ah dhibaatooyinka ka dhashay xadgudubyadan waxaa kamid ah; in bishii May ciidan galbinaya Khaad si dhuumaaleysi ah lagu geeyay Jowhar lagu qarxiyey degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sagaal askari ayaa ku dhimatay halkaas. Laba maalin kadib, dil la xiriira qaraxaas waxaa loo khaarijiyey 8 qof oo todoba kamid ah ay ahaayeen howlwadeeno caafimaad, halka ruuxa kale uu shacab ahaa.

Iyagoo maandooriyaha kasoo qaadaya magaalooyin ka tirsan Jubbaland, diyaaradaha ayaa Khaadka ka dejiyey Jowhar, duleedka Muqdisho, Baraawe iyo Buuhoodle, tan iyo markii xayiraada lasoo rogay.

Kadib markii mamnuucista lagala noqdey, diyaarad ay leedahay shirkada Silver Stones ayaa mar kale sameysay xadgudub, sidda ku xusan warbixinta, iyaddoo Khaad ay ka keentay Dhoobley geysay Baraawe 19-kii June.

Inkasta oo diyaaradaas ay u kireysneyd shirkad Soomaali ah oo lagu magacaabo Maandeeq, dhamaantooda waxay diideen in ay ka jawaabaan eedeymaha.

Digniinta kama dambeysta ah ee hadda la siiyey ayaa saameyn doonta dhamaan diyaaradahooda ka howlgala Soomaaliya, waana in aysan abid dib u heli doonin ruqsada hadii xadgudub ay mar kale ku kacaan.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkii 2018-kii waxay dib ula wareegtay maamulka hawada, taas oo u sahleysa in ay la socoto dhaqdhaqaaqa diyaaradaha soo galaya iyo kuwa kasii baxaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM