DF oo lagu eedeeyay "in ay danyarta uga faa'iideysato duruufta dhaqaale"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay barakacyaasha ku jira kaamamka magaala madaxda Muqdisho uga faa'iideysato daruufta dhaqaale ee ay la daalaadhacayaan.

Senator Ilyaas Cali Xasan, xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbga Himilo Qaran, ayaa sheegay in dadkii maanta isu soo baxa ka dhigay qaybo kamid ah caasimadda ay ahaayeen "masaakiin lasoo kireystay".

Mudanaha oo ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ayaa hogaanka xukuumadda dhexe ku dhaliilay arrintaas.

"Goormaa laga weynaanaa in Shacabka masaakiin ah oo kaamamka kujiro lasoo kireysto si ay idinku banaan baxaan arintaan waxay kasoo horjeedaa xuquuqda Muwadinka Soomaaliyeed ee aragtidiisa lacag laga siisanaayo, iyadoo looga faa'ideysanaayo duruufta dhaqaale ee heysa darteeda!," ayuu Senatorka kusoo oqray bartiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka.

Qoraal kale oo ku qornaa luuqadda English ayuu ku yiri: "Dowladda miyey adkeyn doontaa ammaanka, mana siin doontaa ciidamadda Asluubta maalinta xigta ee dadka Soomaaliyeed isu soo baxaan waddooyinka si ay u muujiyaan aragtidooda la xiriirta mawduuca ku aadan fashilka dowladda".

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ka qeyb-galeyaasha banaanbaxa la siiyey qaarkood boqol kun oo Shilin Soomaali ah, qaar kelana min tobban Doolar-ka Mareykanka ah.

Dhanka kale, xukuumada federaalka ah ayaanan wali ka jawaabin eedeynta uga timid siyaasiga kamid ah kuwa dhaliilsan dowladda.

Geesta kale, banaanbax kale oo looga soo horjeedo midkii ay maanta abaabushay Madaxtooyadda ayaa ka dhacay qaybo kamid ah caasimadda. Ciidamadda booliska waxay kala eryeen dadkii isu soo baxay.

Banaanbaxayaasha ayaa u sheegay saxaafadda in ay kasoo horjeedaan dibad-baxii saaka oo ay ku sifeeyeen "mid siyaasadeysan" isla markaana ay maalgelisay dowladda uuna fulinayo maamulka gobolka Banaadir.

"Kuwaan cidna masoo abaabulin lacagta looma qeybin, Baambey looma tumin, gaari ciidan laguma soo daad gureynin, waxaa soo saarey waa dareenkooda!," ayuu hadalkiisa raaciyey Senator Ilyaas.

Mudaaharaadyadda iska soo horjeeda ayaa kusoo hagaagaya xilli baarlamaanka federaalka uu shalay dib u bilaabay kulamadiisa isla markaana uu go'aan kaga gaarayo fadhigan arrimo masiiri ah sidda doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo la kulmay Beesha Caalamka – Xiriirka Qoraalka Xasan Sheekh iyo Kulanka?

Wararka ayaa sheegaya in qoraalkii shalay kasoo baxay Madaxweyne…

  • Soomaliya

    02-06-2025

  • 02:30PM

Al-Shabaab oo la Wareegtay Deegaanka Istiraatiijiga ah ee Xawaadley

Deegaankani wuxuu leeyahay buundo istiraatiiji ah oo isku xirta gobolka iyo koonfurta dalka, taasoo muhiim u ah isku socodka iyo saadka ciidan.

  • Soomaliya

    02-06-2025

  • 02:22PM