DF oo lagu eedeeyay in ay hortaagan tahay diyaarad gurmad u sida Gedo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shaaca ka qaadey in dowladda Soomaaliya ay hortaagan tahay diyaarad gurmad u sidda gobolka Gedo.

Maxamuud ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa'id oo caawa uu ku qabtay Kismaayo, xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedkaas.

Gurmadkaas oo "noocyo kala duwan ah" ayaa loogu talagalay ka hortagga safmarka Coronavirus iyo fatahaadaha, sidda uu ka dhawaajiyey Maxamuud Sayid.

Intii uu socday kulan warbaahineedka, talaabadaas ayuu hoosta ka xariiqay "in ay qayb ka tahay" khalkhalka Siyaasadeed ee ay Dowlada Federaalka ka wado Gedo, taas oo uu xusay in ay adag ka qaadayaan.

Wallow uusan ka dhawaajin wuxuu noqon doono go'aankaas, Jubbaland ayaanan horey meesha uga saarin talaabooyin ciidan oo ay ku difaaceyso gobolka.

Dhinaca kale, xukuumadda dhexe ayaa illaa iyo haatan wax jawaab ah kasoo saarin eedeynta kaga timid maamulka Axmed Madoobe.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qorsheyneyso kala qeybinta gobolada Jubaland markii ay ku fashilantay doorashadii Kismaayo ee uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Xiriirka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda Farmaajo ayaa aad u hooseeyay bilooyinkii lasoo dhaafay, wallow ay socdaan dedaalo ay Beesha Caalamka waddo oo ku saabsan in la qaboojiyo isla markaana lawada hadlo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM