DF oo lagu eedeeyay in ay hortaagan tahay diyaarad gurmad u sida Gedo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shaaca ka qaadey in dowladda Soomaaliya ay hortaagan tahay diyaarad gurmad u sidda gobolka Gedo.

Maxamuud ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa'id oo caawa uu ku qabtay Kismaayo, xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedkaas.

Gurmadkaas oo "noocyo kala duwan ah" ayaa loogu talagalay ka hortagga safmarka Coronavirus iyo fatahaadaha, sidda uu ka dhawaajiyey Maxamuud Sayid.

Intii uu socday kulan warbaahineedka, talaabadaas ayuu hoosta ka xariiqay "in ay qayb ka tahay" khalkhalka Siyaasadeed ee ay Dowlada Federaalka ka wado Gedo, taas oo uu xusay in ay adag ka qaadayaan.

Wallow uusan ka dhawaajin wuxuu noqon doono go'aankaas, Jubbaland ayaanan horey meesha uga saarin talaabooyin ciidan oo ay ku difaaceyso gobolka.

Dhinaca kale, xukuumadda dhexe ayaa illaa iyo haatan wax jawaab ah kasoo saarin eedeynta kaga timid maamulka Axmed Madoobe.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qorsheyneyso kala qeybinta gobolada Jubaland markii ay ku fashilantay doorashadii Kismaayo ee uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Xiriirka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda Farmaajo ayaa aad u hooseeyay bilooyinkii lasoo dhaafay, wallow ay socdaan dedaalo ay Beesha Caalamka waddo oo ku saabsan in la qaboojiyo isla markaana lawada hadlo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM