DF oo lagu eedeeyay in ay ku fashilantay isu-keenista saamileyda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu ku eedeeyay madaxda Dowladda Soomaaliya in ay ku fashilmeen in ay dhageystaan saamileyda siyaasadeed ee Qaranka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

"Hoggaanka Dowladda Federaalka ah wuu ku fashilmay in uu isku keeno saamilayda siyaasadeed si xal looga gaaro arrimaha amniga, doorashooyinka, iyo dhammeystirka dastuurka," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaa la gaaray xiligii la sheegi lahaa tillaabana laga qaadi lahaa xubnaha qaswadayaalka ah (spoilers) ee awoodda dowladda ku carqaladaynaya nabadda iyo dhismaha dowladnimada".

"Beesha Caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka waa in uu go’aannadiisa Soomaaliya ku aaddan fiiro uga yeesho arrimahaas," ayuu kusoo xiray wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya.

Hadalka Warsame ayaa imaanaya iyaddoo saaxiibada caalamka ay ku baaqeen in ay wadashaqeeyaan dowladda iyo maamulada si loo hirgeliyo doorashooyin lawada ogol-yahay sanadka dambe.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo uu Turkiga tababaray ku daad-gureysay gobolka Gedo, talaabadaas oo Mareykanku qeexay mid siyaasadeysan oo aanan marnaba la ogolaan karin.

Askarta ayaa la geeyay magaalooyinka Beledxaawo, Doolow iyo Luuq, halkaasoo la tilmaamay in ay ka waddaan "dhaqan xumo".

Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda in ay dayacday ciidamadda xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in loo adeegsanayo ajande siyaasadeed oo sharci darro ah.

Hogaanka Villa Soomaaliya oo mudada xileedkooda uu kaga haray bilooyin ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ku guuldareysteen fulinta balanqaadyadii ay sameeyeen ololihii doorashadii u dambeysay ee 2017-kii.

GROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM