DF oo "madaxweyne ku meelgaar ah" u aqoonsatay Axmed Madoobe
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay madaxweyne ku meelgaar ah u aqoonsatay Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], sidda ay maanta ku dhawaaqdey Villa Soomaaliya.
Villa Soomaaliya ayaa ku guuldareystay in ay farageliso doorashadii ka dhacay magaaladda Kismaayo ee dib loogu doortay Axmed Madoobe in uu noqdo madaxweynaha Jubbaland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay "in muddo xileedka Axmed Madoobe uu noqonayo laba sano oo ka bilaabaneysa dhamaadka waqtigii hore".
Sidoo kale waxay ugu baaqdey "inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka".
Hadalkaan oo Jubbaland aysan wali ka jawaabin ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan uu Axmed Madoobe la heshiiyey siyaasiyiintii uu ka banaanbaxay dib-u-doorashadiisa isla markaana ay aqoonsadeen.
Hoos ka akhriso bayaanka
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go'aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka;
DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday;
DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go'aamadan;
1-DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaweynaha Maamulka Kumeel Gaar ah ee Jubaland.
2-Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.
3-Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.
4-DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidda uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya, madaxda maamulada waxaa dooranaya baarlamaanka dowlad goboleedyada, taas oo la macno ah in aysan aqoonsi uga baahneyn xukuumadda.
SJubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaanan lahayn wax wadashaqeyn ah sanadihii lasoo dhaafay, waxaana arrimaha ay isku-maandhaafeen kamid ah maamulka doorashadda oo dastuurka awood u siinayo dowlad goboleeyadda.
GAROWE ONLINE