DF oo qirtay in ay ciidamo tababar ugu dirtay Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay xaqiijisay in ay ciidamo tababar ugu dirtay Eritrea, balse waxay beenisay in askar Soomaali ah ay ka qeybgaleen dagaalkii Tigray.

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta xukuumadda muddo xileedkeedu dhamaadka yahay oo war-fidiyeenka kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa difaacay go'aanka askarta sidda qarsoodiga ah loogu diray Eritrea.

Balse, wasiirka ayaa diidey in uu soo bandhigo tiradda saxda ah ee askarta tababarka loogu qaadey dalkaas isaga oo cuskaday sababo amni.

"Dowladuhu ma sheegaan ciidanka u tababaranaya. Hadaad ciidanka kuu tababaranaya, nooca tababarka ay qaadanayaan, iyo meelaha ay kuugu tabaranayaan suuqa soo dhigto, waligeed ma aragtay Soomaalida ayaga oo ka sheekeynaya? Waligaa miyaad maqashay Kenya oo leh meel baa ciidanka leygu soo tababarayaa? Waligaa miyaad ka maqashay Itoobiya; Ruush, Japan, Chinaa loo diraa meel walbaa loo diraa," ayuu hoosta ka xariiqay Dubba.

Dubba aya ku daray: "Ciidamadeena waxaa lagu tababaraa dhamaan dowladaha aan saaxiibka nahay Eritrea ayaa kamid ah, Turki baa kamid ah, Ugandaa kamid ah, Jabuuti ayaa kamid ah meel walba way inoo joogaan laakiin waa dowlad xumo in aad tiraahdo halkaas in ii joogtaa oo leygugu tababaraa".

"Sarkaalka tababarka loo qaato wuxuu diyaar u yahay in uu dhiigiis u haro dadkiisa, dalkiisa, iyo diintiisa," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xaqiijiso in ay askar tababar ugu dirtay wadanka Eritrea.

Xaqiijintaan oo Dubbe uu ka fogaadey markii koowaad ee horaantii bishaan uu isaga oo ka hadlaya telefishinka qaranka uu beeniyay in askar Soomaali ah lagu dilay ama ka qeybgaleen dagaalkii Tigray ayaa abuureysa shaki horleh.

Markii Maxamed Farmaajo loo doortay madaxweynaha dalka, wadamadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa kala saxiixdey heshiisyo ay sheegeen in ay ku xoojinayaan iskaashigooda dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Kahor dowladda Farmaajo, ma jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Eritrea. Heshiiskaas saddex geesoodka ah ayaa la rumeysan in uu sababay cilaaqaadka qarsoon ee u muuqda mid xoogeysanaya.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu qaadey Eritrea oo dhowr dufcadood maraya ayaa u badan saraakiil dharcad oo ka tirsan hay'adda mukhaabaraadka qaranka NISA iyo ciidamadda dhulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM