DF oo rabta in si buuxda loo qaado cunaqabataynta

Image

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo cusboonaysiisay dhawaaq ku socda Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay si loo qaaado cunaqabataynta hubka ee 20 ka sanno saaran dalka maalintii Isniinta.

Wasiirka Difaaca Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabbo ciidan midaysan awoodna leh kuwaas oo la tacaali karra khatarta soo baxaysa ee Al Shabaab xili uu ka hadlayay Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC.

"Ciidan Hubaysan oo awoodleh waxaa hortaagan cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, marka awood uma lihin inaan dib u dhisno ciidan awood leh maadama tashiiladki loo baahna aan hadda lahayn," Xaamud ayaa yiri isagoo iftiiminaya in wasaaradiisu ay olole xoogan ugu jirto in lagu qalabeeyo ciidanka Qaranka Soomaaliya saanad ciidan oo casri ah.

"Siyaasadda wasaaradu waa in la dhiso ciidan laga keenay dhamaan goboladda kuwaas oo sugi kara amaanka xuduudaha, horumarkuna wuxuu ku tiirsanyahay ciidamada qalabka sida," ayuu ku darray.

Xaamud ayaa madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku wehelinaya safarkiisa Maraykanka.Wuxuu la kulmay saraakiil ka tirsan wasaaaradda Difaaca Maraykanka iyagoo ka wada hadlay taageerada ciidan ee Soomaaliya iyo Argagixisanimadda.

Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa gaarsiiyay muddada khafiifinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran ilaa October bishii Maajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM