DF oo rabta in si buuxda loo qaado cunaqabataynta

Image

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo cusboonaysiisay dhawaaq ku socda Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay si loo qaaado cunaqabataynta hubka ee 20 ka sanno saaran dalka maalintii Isniinta.

Wasiirka Difaaca Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabbo ciidan midaysan awoodna leh kuwaas oo la tacaali karra khatarta soo baxaysa ee Al Shabaab xili uu ka hadlayay Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC.

"Ciidan Hubaysan oo awoodleh waxaa hortaagan cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, marka awood uma lihin inaan dib u dhisno ciidan awood leh maadama tashiiladki loo baahna aan hadda lahayn," Xaamud ayaa yiri isagoo iftiiminaya in wasaaradiisu ay olole xoogan ugu jirto in lagu qalabeeyo ciidanka Qaranka Soomaaliya saanad ciidan oo casri ah.

"Siyaasadda wasaaradu waa in la dhiso ciidan laga keenay dhamaan goboladda kuwaas oo sugi kara amaanka xuduudaha, horumarkuna wuxuu ku tiirsanyahay ciidamada qalabka sida," ayuu ku darray.

Xaamud ayaa madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku wehelinaya safarkiisa Maraykanka.Wuxuu la kulmay saraakiil ka tirsan wasaaaradda Difaaca Maraykanka iyagoo ka wada hadlay taageerada ciidan ee Soomaaliya iyo Argagixisanimadda.

Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa gaarsiiyay muddada khafiifinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran ilaa October bishii Maajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM