DF oo saadaalisay in ay Al-Shabaab xubno "ku yeelan karto" baarlamaanka
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa rumeysan in hadii doorashooyinka soo aadan lagu aado hanaanka dadban ay xubnaha qaar ee baarlamaanka soo aadan noqon karaan kuwa xiriir la leh Al-Shabaab.
Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya ahna afhayeenka Farmaajo oo u waramay BBC-da, ayaa hadalkaas ka dhawaajiyey, isagoo xoojinaya riyada madaxweynaha ee doorasho qof iyo cod.
Balse, Cabdisalaan Salwa, agaasimihii guud ee xafiiska ra’iisul wasaaraha 2015-17 oo naqdiyey dooda madaxtooyada, ayaa ku sifeeyay mid lagu doonayo muddo kororsi, arrintaas oo uu caddeeyay in dalku u diyaarsaneyn.
Salwa ayaa aaminsan in xil ka qaadistii Xasan Cali Khayre ujeedkeedu ahaa in la "carqaladeeyo" natiijada shirkii Dhuusamareeb "oo ay ugu horeyso in doorashooyinka soo aadan ay waqtigooda ku dhacaan".
Inkasta oo uu difaacay in go'aankii Golaha Shacabka ku eryay Khayre, Cabdinuur oo meesha ka saarey in ay "dhabar-jab ku tahay heshiiskii Dhuusamareeb" ayaa xusay in coddeynta soo aadan ay xilligeeda ku qabsoomeyso.
Balse, wuxuu carabka ku dhuftay in ay noqon doonto mid waafaqsan sharciga doorashooyinka iyo dastuurka ku meelgaarka ah ee dalka, taas oo shaki dhalineysa.
Sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka iyo dastuurka ayaa xeerinaya in coddeynta soo aadan noqoto qof iyo cod, hase ahaatee, saamileyda qaar waxay soojeediyeen in aysan dhici karin lana aado mid dadban.
Iyagoo dooda Villa Soomaaliya ee ah doorashada soo aadan noqto qof iyo cod ku qeexay mid lagu doonayo waqti ku darsi, saamileyda ayaa diidmadooda ku sababaeen in uusan jirin amni iyo dhaqaale lagu aado.
Wallow Cabdinuur ka dhawaajiyey in shirka Dhuusamareeb 3 uu dhacayo, haddana Salwa ayaa ansixinta afarta xeer doorasho ee la isku khilaafay ku sifeeyay "caddeymo muujinaya in Villa Soomaaliya rabto dheereysi".
"Baarlamaan Al-Shabaab ah"
Salwa oo sidoo kale ka faalooda arrimaha siyaasadda, ayaa shaaca ka qaadey qaabka madaxda talada haysa ku goobayaan dheereysiga.
"Wax kasta oo dhacayey markaad fiiriso [soojeedintii] guddiga doorashooyinka, iyo baarlamaankaba wixii ay sameeyeen [eryidii Khayre iyo ansixintii afar xeer doorasho], sidda deg-dega ee madaxweynuhu u soo dhaweeyay; intaba waxay ku tusineysaa in ay diyaarinayaan duruufihii ay ku heli lahaayeen muddo kororsi, arrintaasina dalkan iyo mar-xaladaha uu soo maray meesha laga keenay mid dan u ah maahan," ayuu carabka ku adkeeyay.
Afarta xeer doorasho ee Aqalka Hoose go'aanka la isku khilaafay uu kasoo saarey ayaa kala ah; metelaada gobolka Banaadir, qoondada haweenka, gobolada waqooyi iyo deegaameynta kuraasta baarlamaanka.
Afhayeenka Farmaajo oo luuqad adag isticmaalay ayaa Beesha Caalamka ku booriyey in aysan buun-buunin kalsooni kala noqoshada Khayre.
"Dhismaha hay'addaha dastuuriga ah ayaan ka fileynaa Beesha Caalamka in ay garab istaagaan mooyee, in ficil, xil ka qaadis ama xukuumad la kala eryay in aysan macno weyn noogu yeelin oo aysan nooga dhigin in cirka soo dumaayo," ayuu Cabdinuur ku daray, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka mahadcelineyso taageerada saaxiibada dunida ee dhismaha dowladnimada.
Isagoo taageeray walaaca Beesha Caalamka ee doorashooyinka soo aadan, Salwa oo xusuusiyey madaxda in dalka "jiho qaldan ku wadaan" ayaa ugu baaqay in ay ogolaadaan wadatashiga saamileyda ee coddeynta soo aadan.
"Meeshan laba qolo ayaa is haysta; qolo dhaheysa in hay'addaha sharciga ah oo baarlamaanka ugu horeeyo in albaabada loo laabo oo taladu noqoto talo odoyaal iyo afar iyo shan qof ay yeeshaan doorasho dadban qabiil iyo oday garka loo geliyey oo musuqmaasuqii aan ogeyn iyo eex waddanka ay ka dhacdo xataa baarlamaan Al-Shabaab ah maadaama odayaasha ay sii carbuunteen ay soo bixi karo, iyo fekrad oraneysa hay'addaha dastuuriga oo baarlamaanka ugu horeeyo aan xoojino annaga waxaan waafaqsanahay fekradda dambe," ayuu C/nuur ka shanqariyey, isagoo u muuqda mid mar-marsiyo u raadinaya dooda Farmaajo.
Al-Shabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay u yeertay odayaashii soo xulay baarlamaanadii lasoo dhaafay ee Soomaaliya. Wallow aan la ogeyn sababta dhabta ah, waxaa lagu waramay in digniin kama dambeys ah la siiyey.
GAROWE ONLINE