DF oo waji gabax kala kulantay dalal ay u dirtay codsi la xiriira Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku dayday in ay dhaqso ku hesho qalabka ka hortagga Covid-19 iyo mashiinka dadka ka caawiya neefashada, balse wadamadii ay waydiistay "waxay kala kulantay weji gabax".

Wargeyska afka dheer ee Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa sidaas ku sheegay warbixin dheer oo uu shalay daabacay.

Jaraa'idka ayaa ku waramay in wadamada ay u muujiyeen xukuumadda Muqdisho in ay doonayaan in ay iyagu haystaan qalabka maadaama dhibaatadda haatan taagan tahay mid cid kasta ay u baahan tahay kaalmo aad u balaaran.

Joornaalka oo soo xigtay illo wareedyo ayaa nan magacaabin wadamada jawaabta noocaas ah siiyey Dowladda Soomaaliya.

Tani ayaa ka duwan hadalada ay madaxda dowladda ka sheegeyeen warbaahinta maalmihii lasoo dhaafay oo ahayd in ay soo socdaan qalab kala duwan.

Dhanka kale, Mahad Xasan oo ah xubin ka tirsan guddiga ka hortaga Coronavirus ee Soomaaliya, ayaa qiray in ay wajahayaan fashil.

"Waliba aan adeegsado erayga ola kac," ayuu u sheegay Washington Post. Wuxuu ku daray: "Xarunteena daaweyna [xanuunka] ee ugu weyn, ugu badnaa waa faaruq. Markii ugu dambeysay oo aan booqdey kaliya waxaa yiilay sariiro, ma yaalin oxygen iyo qalabka dadka ka caawiya neefta".

Cabdirisaaq Yuusuf, 35-jir guddiga ka tirsan, ayaa qiray in ay kaliya yaaliin afar sariiro oo loogu talagalay daryeelka deg-deg ah. "Waxaa laba todobaad gudahooda fileynaa in aan ku helno 200 [laba boqol] sariiro," ayuu raaciyey, isagoo xusay in ay ka sugayaan Shiinaha.

Qalabka dadka ka saacida in ay neefsadaan hadii uu naqaska ku xirmo ayaa ah mid qaali ah, waxaana la iibiyaan aduun lacageed dhan 25-kun oo Doolar. Soomaaliya aad bey ugu baahan tahay in ay hesho, maadaama kiisaska ay sii kordhayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM