DF oo wareejisay tacliinta Banaadir xilli ay faragelin ku hayso maamulada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda, oo sheegtay in ay dadaal ugu jirto tayenta iyo daadejinta hannaanka maamul ee tacliinta dalka, ayaa gobalka Banaadir ku wareejisay mas'uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda.

"Ku wareejinta maamulka gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka," ayay xukuumadda KMG ah ku tiri bayaan.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda".

Munaasabad wareejinta oo Axada maanta ah lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeybgalay ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah, wasiirka waxbarashadda federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada, ayaa xaflada ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas'uuliyadda waxbarashada gobalka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas'uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

"Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada," ayaa lagu soo xiray.

Talaabadaan ayaa kusoo hagaageysa xilli su'aallo badan la iska waydiinayo qaabka wasaaradda Waxbarashada federaalka ay faragalinta ugu sameyso nidaamka waxbarasho dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM