DF Soomaaliya oo aqoonsatay baarlamaanka HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle xilli ay jiraan eedeymo ku saabsan in ay faragelisay soo xulistooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ah ayaa loogu hambalyeeyay mudaneyaasha tiradoodu gaareyso 90-ka ee looga dhawaaqay Jowhar.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celinaysaa Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle," ayay tiri wasaarada.

Bayaanka ayaa ku daray: "Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddiga Doorashada ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada," ayaa lagu soo xiray.

Mudaneyaasha oo shalay la dhaariyey isla markaana xubinta ugu weyn u xushay gudoomiye ku meelgaar ah ayaa qorshuhu yahay in ay maalmaha soo aadan iska dhex-doortaan guddoon.

Doorashada HirShabelle ayaa waxaa ku loolamaya dowladda iyo xisbiyadda mucaaradka gaar ahaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda ee degaan doorashadoodu tahay

Bayaanka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM