DF Soomaaliya oo dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadda gudaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku dhawaaqdey in ay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadda gudaha oo lagu wadday in dhowaan laga qaado xayiraada.

Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada xukuumadda federaalka ah, ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in go'aankaan uu la xiriiro cabsi laga qabo in uu soo laba kacleeyo xanuunka dilaaga ah ee Covid-19.

"Iyaddoo laga taxadarayo in cudurka Covid-19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudahiisa in dib loogu soo celsho meel uu gaaray ama la geeyo meelo uu ka yaraaday ama meelo illaa iyo hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyadda gudaha," ayuu Oomaar yiri, sidda ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Sidda ay wararku sheegayaan 8-da bishaan June ayaa horey loo qorsheeyay in dib loo furo duulimaadyadda gudaha, waxaana tababar dheeraad ah la siiyey howlwadeenadda garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Oomaar oo kasoo muuqday bixinta tababaradaas ayaa sheegay in ay soo kordhiyeen habraacyo cusub oo loo mari doono hadii dib loo furo duulimaadyadda, waxaana kamid ah kala fogaanshiyo diyaaradda dhexdheeda.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020-ka ayay ahayd markii xukuumadda Soomaaliya ay si ku meelgaar ah u hakisay duulimaadyadda gudaha, waxaana waqtigaas a cuskatay khatarta Coronavirus oo meel sarre mareysay.

Waqti xaadirkaan, Soomaaliya ayaa waxaa laga xaqiijiyey 2,658 kiisas oo ah cudurkaas faafa, 649 bukaan oo ka caafimaadey, iyo 88 muwaadin oo uu galaaftay, sidda ku xusan warbixintii shalay kasoo baxday dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM