DF Soomaaliya oo fahfaahisay heshiiska ay la gashay Mareykanka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Maraykanka cafinta deynta ay ku lahaayeen dalkeenna oo maanta ay si rasmi ah qalinka ugu duugeen, kaddib wadahadallo miro dhal ah oo dowladdeenu ay kala yeelatay dhiggeeda Maraykanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo goob goobjoog u ahaa heshiiskan oo dhinaca Soomaaliya uu u saxiixay Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka Dowladda Mareykanaka uu u saxiixay Danjirahooda u fadhiya Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto ayaa tilmaamay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dib u dhiska dowladnimadooda, ayna maanta joogaan xilligii ay ka miro-dhalin lahaayeen higsigooda.

“Tallaabadan Dowladda Mareykanku ay kaga cafisay dalkeenna saamigeeda deyn cafintii dalalka Naadiga Paris ayaa ah tallaabo kale oo Soomaaliya ay u qaadday dhanka deyn cafin buuxda iyo horumar dhaqaale.”

Sidoo kale, Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan oo uu goob-joog ka ahaa Siihayaha Ra’iisul Wasaare-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qeyb ka ah is-afgaradkii shirkii dalalka Naadiga Paris ee lagu go’aamiyay in dalkeenna laga cafiyo deymaha ragaadiyey hor- u socodka dhaqaaleheenna, kuwaas oo dhan 1.4 Billion oo Doollar.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Xayeysiisyada Sigaarka Iyo Saameynta Da’yarta Ku Leeyahay

The Guardian ayaa sheegtay in ay jiraan sababo dhawr ah oo loo aanaynayo in sigaarku…

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 07:23AM

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM