DF Soomaaliya oo fahfaahisay heshiiska ay la gashay Mareykanka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Maraykanka cafinta deynta ay ku lahaayeen dalkeenna oo maanta ay si rasmi ah qalinka ugu duugeen, kaddib wadahadallo miro dhal ah oo dowladdeenu ay kala yeelatay dhiggeeda Maraykanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo goob goobjoog u ahaa heshiiskan oo dhinaca Soomaaliya uu u saxiixay Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka Dowladda Mareykanaka uu u saxiixay Danjirahooda u fadhiya Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto ayaa tilmaamay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dib u dhiska dowladnimadooda, ayna maanta joogaan xilligii ay ka miro-dhalin lahaayeen higsigooda.

“Tallaabadan Dowladda Mareykanku ay kaga cafisay dalkeenna saamigeeda deyn cafintii dalalka Naadiga Paris ayaa ah tallaabo kale oo Soomaaliya ay u qaadday dhanka deyn cafin buuxda iyo horumar dhaqaale.”

Sidoo kale, Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan oo uu goob-joog ka ahaa Siihayaha Ra’iisul Wasaare-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qeyb ka ah is-afgaradkii shirkii dalalka Naadiga Paris ee lagu go’aamiyay in dalkeenna laga cafiyo deymaha ragaadiyey hor- u socodka dhaqaaleheenna, kuwaas oo dhan 1.4 Billion oo Doollar.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM