DF Soomaaliya oo ka hadashay Internet la'aanta qaybo kamid ah dalka

Image

MUQDISHO | Injineer Cabdi Canshuur Xasan, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, ayaa sheegay in "cilad farsamo" oo ku timid xariga internet-ka siiya koonfurta Soomaaliya ay ka dhalatay khad la'aanta qaybo kamid ah dalka.

Mr Xasan oo sheegay in cilad bixinta ay qaadan karto muddo maalmo ah oo uusan cayimin ayaa sheegay in ay ku dedaalayaan sidii loo dedejin lahaa shaqada.

Wallow uu ka dhawaajiyey in ay baaris ku socoto meesha ay cilada ka dhacdey, shirkadda gaarka loo leeyahay ee DALCOM ayuu xusay in ay leedahay fiber optic-gaas loo maleynayo in uu markab jaray maadaama dabaylo jireen saacadihii lasoo dhaafay.

Mar la su'aalay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dowladda ka dambeyso arrintaan lana xiriirto xiisada siyaasadeed ee jirta, wasiirka ayaa meesha ka saarey. 

"Dowladda adeeg bey bixisaa mooyee, dadka ma hagrato; waxba kama jiraan arrintaas," ayuu u sheegay Raadiyaha maxaliga Kulmiye ee Muqdisho.

Bishii June, 2017 ayay ahayd markii sidaan oo kale cilad ay ku timid internet-ka koonfurta Soomaaliya, waxaana loo aaneeyay in uu markab jiiray fiiladii khadka ee badda dhexdeeda soo marta, waxaana uu maqnaa todobaad.

Hase ahaatee, maqnaanshiyahan ayaa kusoo hagaageysa maalin kadib markii aqalka hoose sheegey inuu kalsoonida kala noqdey xukuumadda Khayre.

Dhanka kale, waxaa culeys laga dareemayaa wicitaanka dibadda iyo gudaha koonfurta Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho, mana jiro wax fahfaahin oo arrintaan ka bixiyeen shirkadaha iyo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM