DF Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeynta Madasha Xisbiyada Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtey eedeynta ka timid Madasha Xisbiyada Qaran oo ahayd in gaari boolis ah uu rasaas ku furay xaruntooda ahna hoyga Shariif Sheekh Axmed.

Shalay ayay ahayd markii ay soo ifbaxday dhacdadaas. Madasha waxay soo bandhigtay sawirro ay ku caddeyneyso sheegashada.

War-saxaafadeedka ayay ku sheegeen in gaariga ka dambeeyay falkaas uu lahaa Suleymaan Maxamed Maxamuud, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaasoo durba ka jawaabay warka kasoo yeeray madasha.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyey in gaariga rasaasta furay ay ilaaladiisu la socdeen.

"Gaariga la sheegay in uu xaabad huwiyay ilaalada Madaxdwaynihii hore Mudane Sheekh Shariif, waa gaari Police ah oo ilaaladayda saarnaynd," ayuu yiri, wallow uusan caddeyn hadii uu la socday gaariga.

Balse, wuxuu meesha ka saarey "si bareer ah" loo furay rasaasta, taas oo kamid ahayd eedeynta xisbiyadda mucaaradka.

"Labo gaari oo yaryar oo wadada ku sheekaysanayay wadadana xirtay kadibna gaarigii Police sanka u soo galiyay gawaaridooda ayaa keentay halka xabo ee dhacday," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu meesha ka saarey in uu sidoo kale jiray weerar ka dhan ah hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

"Waxaa caddaynayaa wax intaas ka wayn in aysan jirinin cid weerartay ilaalada Madaxwayne Sheekh Shariifna aysan jirinin," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa soo ifbaxeysa iyaddoo dhowaan xukuumadda fedraalka ay iska fogeysay eedeymo ku saabsan ciidamo dul-dhigtay hoyga Shariif isla markaana ay qorsheysay weeraro lagu bartilmaameedsado gurigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM