DF Soomaaliya oo ka jawaabtay wararka laga faafiyey hay'adda NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa "been abuur iyo macluumaad marin-habaabin ah" ku tilmaamtay wararka sheegaya in hay'adda sirdoonka iyo ururka Al-Shabaab ay wada shaqeeyaan.

Wargeysyadda Daily Star iyo The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa faafiyey in saraakiil ka tirsan NISA ay 1.5 milyan iyo macluumaad sir ah ay siiyeen Al-Shabaab si ay weeraro uga fuliso gudaha wadankaas.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Muqdisho oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa warbixinadaas ku qeexday "weerar xaasidnimo".

Qoraalka ayaa walaac looga muujiyey "ololaha abaabulan ee ka dhanka ah Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hay'addeeda Sirdoonka".

"NISA waxaa ka go'an dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna u qaadaneysaa fal-dambiyeed wararka caabeynta ah ee lagu faafiyey baraha bulshadda kaasoo ujeedkiisu yahay in lagu wiiqo hay'adda," ayaa la raaciyey.

Warka qoraalka ah oo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa lagu dalbaday in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo wararka been abuurka ah ee la xiriira hay'adda NISA.

"Waxaan ka codsaneynaa shacabka iyo warbaahinta in ay taxliiliyaan go'aan fiicna qaataan kahor inta aysan faafin macluumaadyadda beenta ah, marin-habaabinta ah ee aan la hubin," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeedka wasaarada.

BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM