DF Soomaaliya oo shaacisay sababta baajisay kulankii Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxay soo bandhigtay sababta dhabta ah ee ka dambeysa dib-u-dhaca ku yimid socdaalka madaxweyne Farmaajo ee caasimadda Kenya ee Nairobi.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka wasaaradaas, ayaa daboolka ka qaadey in faafitaanka Coronavirus uu baajiyey wadahaladii ay yeelan lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Wasiir Cawad oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Somali Cable ayaa daboolka ka qaadey in uusan jirin waqti kale oo ay dhinacyada ku balameen.

Farmaajo ayaa qorshuhu ahaa in uu 26-ka Maaj, 2020 uu u socdaalo magaala madaxda Nairobi si loosii dardargeliyo talaabooyinka lagu hagaajinayo xiriirka mugdiga galay ee labada dal ee deriska ah.

Booqashada la qorsheeyay in uu Farmaajo ku tago Nairobi ayaa ka dambeysay markii uu telefoon ka wacay Uhuru. Warbaahinta waxay warisay in Itoobiya ay ka dambeysay wadahadalkaas telefoonka.

Dowladda Soomaaliya ayaa qashinka ku dartay sheekooyinka ku saabsan in ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu fududeeyay, balse waxay xaqiijisay in Farmaajo uu kolkii hore la xiriiray dhigiisa Kenya.

Dhanka kale, Cawad oo difaacay Iskaashiga Saddex-geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa meesha ka saarey in uu jiro heshiis qoran oo dhexmaray, isaga oo tibaaxay in ay kaliya jiraan is-afgaradyo.

Wallow ay jiraan su'aalo aan wali laga jawaabin, is-afgaradyadda, sida uu ka xusay Cawad, waxay ku saabsan yihiin iskaashi ay dalalka ka yeeshaan ammaanka, xasiloonida iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni karta colaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM