DF Soomaaliya oo xaqiijisay olole ka tuhunsanaa in ay Al-Shabaab waddo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxay u xaqiijisay in ururka Al-Shabaab markii ugu horeysay awood u yeelatay in ay sameysato walxaha qarxa.

Cabdisaciid Muuse Cali, lataliyaha Amniga Qaranka, ayaa u sheegay wargeyska New York Times in dowladda ay hortabinta koowaad ku darsatay siddii loo burburin ahaa shabakada.

"In ka badan siddii hore, Al-Shabaab waxay si wax ku ool ah usoo daabuleysaa miinooyinka, weerarada dhowrka jiho ah oo ay ku beegsato shacabka iyo milatariga, jid-gooyinka ay ku carqaladeyso in la maro, lacago baad ah iyo xeelado cabsi gelin si ay maqaan u yeelato iyaddoo xasilooni daro u horseedeysa Soomaaliya una hanjabeysa wadamada deriska," ayuu lataliyaha madaxweyne Farmaajo carabka ku adkeeyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Al-Shabaab ayuu sheegay in ay sumcad ku raadineyso arrimaha ka taagan gudaha Soomaaliya sidda; saameynta qabqableyaasha, qabiilka, faragelinta gobolada, iyo dowlada oo aan baahsaneyn si lamid ahna aan bixin karin wax adeeg ah.

"Bixinta adeega dowladeed, diiwaan-gelinta shaqaalaha rayidka, askarta iyo hantida, si lamid ah liis-gareynta hubka soo galaya waddanka, waxay kuwaas noo yihiin muhiim," ayuu raaciyey.

Hogaamiyeyaasha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayuu cadeeyay in ay doonayaan in beegsiga dadka Ameerikaanka ah ay ku caalamiyeeyaan fekerkooda.

"Al-Shabaab waxay isku dayeysaa in ay caalamiyeyso gabood-faladooda iyagoo oronaya 'waxaan la dagaalameynaa Ameerika' si ay u soo jiitaan hogaanka Al-Qaacida," ayuu kusoo xiray.

Hadalka xukuumadda Muqdisho ayaa wuxuu kusoo hagaagaya xili ay jiraan warbixino kale oo tilmaamaya in ay Shabaab qorsheyneyso in ay howlgalo ku fuliso diyaarado Drones, taasoo khatarteeda leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM