DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Axaddii soo saartay digniin culus oo ay ku amrayso dhammaan dadka iyo shirkadaha — oo ay ku jiraan kuwa ajaanibta ah — inay isla markiiba joojiyaan macdan-qodista sharci darrada ah ee ka socota dalka.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ayaa sheegtay in macdan-qodista aan sharciyeysneyn ay khatar ku tahay amniga qaranka, isla markaana ay qayb ka tahay lacagaha sharci darrada ah ee maalgelin kara kooxaha argagixisada.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka kaliya ay awood u leedahay bixinta rukhsadaha baarista iyo soo saarista macdanta, taasoo ku qeexan Dastuurka iyo heshiisyada kala qaybsiga khayraadka.

Wasaaraddu waxay ku amartay cid kasta oo ku lug leh hawlaha sharci darrada ah inay si degdeg ah u joojiyaan, iyadoo ku hanjabtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kuwa ku dhaqma.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in macdan-qodista sharci darrada ahi ay qayb ka tahay dhaqaale ururin loo adeegsado taageeridda argagixisada, taasoo halis gelinaysa nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Laguma sheegin war-saxaafadeedka goobaha ay howlaha sharci-darada ka socdaan.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada Xubnaha ka ah Federaalka, maadaama dalka uu leeyahay fursado weyn oo macdan ah oo aan weli si rasmi ah loo maareyn.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM