Dhageysiga dacwad ka dhan ah askar loo haysto weerar oo lasoo afjaray

Image

BELEDXAAWO, Jubaland – Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay soo gabagabeysay dhageysiga gal-dacwadeed ka dhan ah shan askari oo ka tirsanaa Taliska Ciidamada Milatariga magaalada Beledxaawo.

Eedeysaneyaasha ayaa kala ah; Cabdi Cumar Cabdi [Aaabow], Maxamed Aadan Xasan [Antooniya], Haaruun Cabdiraxmaan Xuseen [Abaabulaha] iyo Cabdiqaadir Minji Cabdulle [Qalbi dhagax] iyo Ibraahim Faarax Maxamuud.

Xafiiska xeer-ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa kusoo eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar dhacay 7-dii bishaan September.

Weerarkaas lagu beegsaday saldhiga booliska Beledxaawo ayaa sababay dhimashadda hal askari oo bileys ah, iyo dhaawac mid kale.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, weerarka wuxuu ka dambeeyay markii Haaruun uu ka dhega-adeegay in uu ka dego Mooto Bajaaj uu la socdey taasoo mareysay bar kontarool oo bileyska ka sugayey ammaanka isu soo bax.

Haaruun ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu yahay maskaxda ka dambeysay hujuumkaas. Dhamaantooda way beeniyeen eedeymaha.

Askariga shaqaaqadaas ku naf-waayey waxaa lagu magacabaa; Saciid Cali Mursal halka midka dhaawaca ah la yiraahdo Maxamed Cabdi Aadan.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ka codsaday xeer-beegtada in ay dil toogasho ku xukuntay eedeysaneyaasha "maadaama ay diideen in ay iska soo dhex-saaraan qofkii ka dambeeyay dhimashadda iyo dhaawaca askarta".

Qareenkooda oo dalbaday in lagu xukumo magta iyo daaweynta dhibaneyaasha ayaa cuskaday in aysan jirin caddeymo loo gudbiyey maxkamada.

Gudoomiyaha maxkamada ciidanka, Xasan Cali Nuur [Shuute] oo soo afjaray fadhiga maxkamada taasoo lagu qabtay xero ku taala duleedka Beledxaawo, ayaa wuxuu ka dhawaajiyey in ay dhowaan soo saari doonan xukunka kiiskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM