Dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale dib loo dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa muddo tobban bilood ah waxay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, sidda ay baahisay BBC-da.

Dalalkan ayaa isku haya goob ku taala sohdinta dhanka badda gaar ahaan dhinaca Badweynta Hindiya halkaas oo la sheegay in ay hodan ku tahay noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sidda shidaal iyo Gaas.

Warqad ay xeer-beegtada u dirtay labada wadan ayaa sheegeysa in dhageysiga oo qorshuhu ahaa in uu dhaco horaanta June hadda loo bedelay 15-ka Maaj, 2021, sabab la xiriirta safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa todobaadkii hore shaaciyey in ay kasoo horjeesteen codsi ka yimid Kenya oo ahaa in la baajiyo dhageysiga sabab ku aadan Covid-19.

Kenya, sidda ku cad dukumiintiyo ay soo saartey, ayaa ku doodey in musiibada caalamiga ah uu wiiqay dhaqaalaheeda iyo qorshaha ay isku difaaci lahayd.

Xukuumadda Muqdisho ayaa soo jeedisay in dhageysiga dacwadda lagu qabtay hanaanka casriga ah ee maqal iyo muuqaalka, taas oo ay haatan muuqaneyso in aysan noqon talo soo jeedin la ogolaadey.

Sidda ay ku warantay warbaahinta ay dowladda UK leedahay ee BBC-da, Mahdi oo ka falceliyey go'aanka cusub ee ICJ wuxuu sheegay "in aysan ku faraxsaneyn, balse ay u hogaan-sami doonan".

Bishii November ee sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii ICJ ay dib u dhigtay dhageysiga kadib dalab ka yimid Kenya oo ku doodey in aysan u diyaar-saneyn qareeno, wallow ay ceyrisay maalmo kahor.

Bishii August ee sanadkii 2014-kii ayuu soo bilowday gal-dacwadeedkan. Tan iyo waqtigaas, xukuumadda Nairobi waxay raadineysay hanaan aan ahayn maxkamad oo lagu soo afjarayo, talaabadaas oo aysan wali ku guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM