Dhageysiga gunaanudka kiiska bada Soomaaliya Kenya oo la muddeeyay

Image

HAGUE, Holland - Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa muddeysay dhageysiga ugu dambeeya ee gal-dacwadeedka badda waddamadda Soomaaliya iyo Kenya.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Mahdi Maxmed Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in dhageysiga gunaanudka uu qabsoomi doono maalinta berri ah.

"Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya," ayuu yiri.

Sidda ay wararku sheegayaan, go'aanka muddeynta dhageysiga ugu dambeeya ee dacwadda ayaa ka dambeeyay markii ICJ ay ku gacanseyrtay dalab kale oo ka yimid Kenya.

Codsiga xukuumadda Nairobi ayaa lagu waramay in uj ahaa in la siiyo fursad kale oo ay kaga hadasho fadhiga ugu dambeeya ee dacwadda xilli aysan xaadirin labadii fadhi ee ka horeeyay.

Nairobi ayaa diidmadeeda furitaanka dhageysiga dacwadda waxay u cuskatay "in miisaaniyadeeda uu curyaamiyey Covid19, in qareenadeeda aysan helin fursad ay isku diyaariyaan iyo in ICJ ay ka diidey codsi dib-u-dhigid".

ICJ ayaa lagu waddaa in fadhigan kadib ah soo saarto xukunka ugu dambeeha ee kiiskan soo bilowdey August, 2014 - go'aanka u dambeeya wuxuu soo bixi karaa ugu yaraan 6 ama 7 bilood kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM