Dhageyso: Khudbad madaxweynaha Jubbaland doorashdiisa kadib

Image

15 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbad kooban jeediyay ka dib markii mar kale maanta loo doortay Madaxweynaha maamulkaas.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo sheegay inuu khudbadiisa dib ugu dhigtay waqtiga caleemo saarka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay xubnaha ka socda dowladda Federaalka, beesha caalamka iyo marti sharafta ka qayb gashay doorashadda Jubbaland.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay dhamaan golaha Baarlamanka Jubbaland wuxuuna sheegay in Jubbaland ay ku dhisan tahay dib-u-heshiisiin waxaana uu xusay in gogosha Soomaaliyeed ay taalo Kismaayo.

‘’Horay ayaan waxaan u iri Kismaayo ninkasta oo Soomaaliyeed oo yimaada marti kuma noqonayo, saa-qaraabuu magaalada ka helayaa’’ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland,waxaana hambalyadii ugu horaysay u diray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM