Dhakhaatiirta Cuba ee sanadkii labaad ku qafaalan Soomaaliya

Image

HAVANA, Cuba – Dhakhaatiirta reer Cuba Landy Rodriguez iyo Herrera Correa Assel, oo lagu afduubay Kenya bishii Abriil 2019, ayaa sanadkan 2020 ugu dhamaadey ayaga oo ka fog qoysaskooda. Waa sanadkii labaad oo ay waqti ku qaadanayaa dhul colaadeed iyo gacanta maleyshiyadda Al-Shabaab.

Ka dib hal sano iyo sagaal bilood oo lahasteyaal yihiin iyo sheegasho been abuur ah lana xiriirto in lasii daayay bishii October, 2020, hubanti la'aanta xaalka khuburada ayaa sii xoogeysaneysa ayadda oo aan wali fahfaahin dheeraad ah aysan bixin dowladaha ay ka tirsan yihiin.

Faahfaahintii ugu dambeysay ee kiiska ayaa sidoo kale waxaa bishii Oktoobar bixisay xukuumadda Nairobi kadib been abuurka sii deynta.

"Macluumaadka aan hayno ayaa ah in dhakhaatiirta Cuba ay wali nool yihiin," afhayeenka fulinta Kenya Cyrus Oguna ayaa sidaas u xaqiijiyay EFE waqtigaas, balse wuxuu diiday inuu faahfaahin bixiyo sababo ku aadan "xasaasiyadda ay leedahay xaaladdu leedahay iyo sidoo kale inuu ka fogaado inuu waxyeelleeyo qorshayaasha socda."

Wuxuu ku daray: "Dhammaan ciidmadda hoos taga Midowga Afrika (ee la geeyay Soomaaliya) waxay ka shaqeynayaan sidii loo hubin lahaa in howlgalka la billaabayo, labada dhakhtarna lasoo badbaadiyo iyagoo nool".

"Waa wax laga xumaado in haysashadooda ay sii daba dheeraatay, "ayuu qirtay, isagoo qoysaska xirfadleyda mar kale ka codsaday "dulqaad".

Saddex bilood kahor, dowladda Cuba ayaa si furan uga hadashay kiiska dhakhaatiirta waxayna xustey in ay Soomaaliya iyo Kenya u kaashaneyso badbaadinta howlwadeenada caafimaad ayna rajo leedahay.

Dhakhaatiirta oo laga kaxeystay gobolka waqooyi barri Kenya ayaa dalkaas ku joogay heshiis ay wada galeen Havana iyo Nairobi oo dhanka caafimaad ah. Balse, gobolka waxaa ka cararay dhakhaatiirta kale kadib afduubkan. Inkasta oo heshiis mar kale la cusbooneysiiyey, xaalka wali ma ahan mid xasiloon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM