Dabley dhakhtar caan ah ku dishay magaaladda Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Koox hubeysan ayaa xalay Kismaayo ku dishay Dhakhtar Yuusuf Yare oo kamid ahaa howlwadeenada Caafimaad ee ka howlgala magaaladdan xeebta leh, oo ay amnigeeda iska kaashanayaan Ciidanka Jubbaland iyo Kenya.

"Axmed Yuusuf oo loo yaqaaney [Axmed Yare] waxaa lagu dilay xalay xaruntiisa Caafimaadka, waxaana kuwii dilay oo bastoolado watay ay u suurta-gashay inay goobta ka baxsadaan," ayuu yiri goobjooge GO la hadlay.

Ciidamada Jubbaland ayaa gaarey halka lagu dilay Dkhatarka, waxayna sameeyeen howlgallo daqiiqado socday, balse ma jiraan dad loo soo qabtay falkan dilka ah, oo noqonaya midkii labaad mudo 3 bilood ka yar oo shaqsi muhiim ah loogu geysto Kismaayo.

Saraakiisha amniga Jubbaland wali kama aysan hadlin dilka Dhakhtarka oo ahaa qof bulshada Kismaayo aad u taqaanay, islamarkaana ka shaqeyn jiray arrimaha caafimaadka, oo kamid ah adeegyada asaasiga u ah nolosha.

Lama oga cida dilka geystay, laakiin waxaa socda baaritaan ay hay'adaha amniga Jubbaland wadaan, waxaana suurtagal ah inay Al-Shabaab ka dambeyso ama uu yahay aano qabiil iyo arrimo kale.

Warar ayaa sheegaya in dilka Yuusuf Yarre uu salka ku hayo aano qabiil isla markaana uu la xiriiro dil bishii hore magaaladda Kismaayo loogu geystay maamulihii shirkadda Amal.

Bishii September sanadkan 2020, waxaa banaanka masjid ku yaalla Kismaayo lagu dilay gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Kaahin, oo nin isku soo xiray walxaha qarxa beegsaday xili uu salaadii Jimcaha kasoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM