Dhaliilo loo jeediyey habka deyn cafinta Soomaaliya oo laga jawaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyada dowlada Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay caasimada Muqdisho ayaa meesha ka saarey in uu mugdi ku jiro wadada loo marayo deyn cafinta.

Hadalka Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa yimid xili dhowaan siyaasiyiin iyo aqoonyahano ay sheegeen in dalka aan lagu lahayn qaan isla markaana habka deyn cafiska uu qaadanayo waqti badan.

Bayle ayaa shaaca ka qaadey in Soomaaliya ay waqti aad u kooban kaga gudubtay shuruudihii lagu xiray deyn cafinta, talaabadaas oo uu ku qeexay "guul weyn".

Dhanka kale, Bayle ayaa si cad u sheegay in xukuumadda haatan talada haysa aysan diyaar u ahayn in ay qaadato deyn cusub hadii la dhaafo tan hadda lagu leeyahay wadanka oo dhan 4.5 bilyan.

"Qofkii lahaa Soomaalidu deyn bey qaadaneysaa, deyn ma qaadaneyno, abitaad uma hayno deyn," ayuu ku adkeystay, isagoo qiray in dalka aan haatan loo ogoleyn in uu deyn cusub qaato.

Deeqaha kaga yimaada caalamka iyo canshuuraha laga uruuriyo gudaha ayuu ku nuux-nuux saday "in ay ku filan yihiin xukuumadiisa".

Bangiga Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayuu daboolka ka qaadey in waqti xaadirkan aysan deyn ku lahayn Soomaaliya.

Gabagabadii, wasiirka oo kalsooni badan muujiyey ayaa sheegay in Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF ay 25-ka bishaan Maaj ee sanadkan 2020 ay dhaafi doonto dhamaan deymaha ay ku leedahay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM