Hab-dhaqanka "dilay" sumcada siyaasiyiinta Soomaaliya

Image
Dabeecadan ayaa burburisay kalsoonida caalamka ku qabi karo madaxda Soomaalida.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dr. Bahaari Cabduqaadir oo u waramay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay "Madaxda Soomaalida cidna aamini mayso inta ay milaayiin doolar ku bixinayaan si ay kursi u helaan balse ay lacagtaas u quuri karin dadkooda tabaaleysan".

Dr. Bahaari ayaa sheegay in beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ay ogyihiin in madaxda Soomaalida ay malaayiin dollar ku bixiyeen tartankii doorashada balse aysan doonayn in lacagtaas ay ku bixiyaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Waxa uu kula taliyay in ay iska bilaabaan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed inta iska dhaafaan in marka ay “booqdaan xeryaha qaxootiga ay is ooyaysiiyaan”.

Dr. Bahaari Cabduqaadir, ayaa kula taliyay Wasiirka 1aad ee xukumada in uu ka shaqeeyo in la aamino siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa u shaqeeya dowladda.

Bahaari ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo garsoorka dalka oo lala xisaabtamo dadka waxa ay rabaan dalka ka samaysanaya hadana la soo taagan indha adayga isaga oo tusaale u soo qaatay xildhibaan dhawaan sheegtay in Somaliland tahay dowlad madaxbanaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xamse iyo dowaladiisa ayaa waxa horyaalla fulinta ballan-qaadyadiisa iyo shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida Abaaraha, hagaajinta xiriirka Arrimaha Dibadda, Amniga, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Abaaraha ayaa ka mid ah dhibaatooyinka waawayn ee horyaalla Soomaaliya taas oo u baahan si dhab ah wax looga qabto si looga gudbo halista macluusha dalkaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu xilka la wareegay ka dib Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsane u magacaabay ergaygiisa u qaabilsan wax ka qabashada abaaraha dalka iyo in xaal waara loo helo macluusha ka dhalata abaaraha dalka guud ahaan saameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM