Dhimashada weerarkii Hotel Saxafi Muqdisho oo korortay

Image

Nov 2,2105 (VOA)- Tirada dadka ku dhintay weerarkii shalay ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadday Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa kor u kacday, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta.

Mas’uuliyiinta iyo ilaha caafimaadka ee Muqdisho ayaa tiradii ugu dambeysay ee dadka weerarka ku geeriyooday waxa ay ku sheegayaan inay iminka tahay 15 qof, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka waxaa ka mid ahaa weriye Faysal Cumar oo oo ah sawri-qaade, halka weriye kale oo ay isla socdeenna uu ku dhintay.

Feysal oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in maleeshiyadii weerarka soo qaadday markii ay koreen dabaqa hotel Saxafi ay billaabeen inay rasaas ku furaan dadkii joogay bannaanka hotel-ka.

Waxa kale oo uu sheegay in weriyhii saaxiibkiis ahaa ee la socday uu ku geeriyooday baabuur uu gabbaad ka dhigtay markii ay rasaasta ka soo cararaeen kaasi oo ku qarxay.

Sahra Cabdi Axmed ayuu uga warramaya sida ay wax u dhaceen. Halka ka dhageyso 

VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM