Dhimasho ka dhashay qarax Muqdisho lagula eegtay kolanyo EU-da ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay, saddex kelana way ku dhaawacmeen ka gedaal markii qarax lagula eegtay Muqdisho kolanyo ay leeyihiin Midowga Yurub.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya nooca uu ahaa qaraxa. Qaarkood waxay ku qeexayaan Miino, halka kuwa kalena ay ku sifeeyeen is-miidaamin lala eegtay ciidamadda ajaaniibta ah.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Kuliyadda Jaale Siyaad iyo Wasaaradda Difaaca ee degmadda Hodan ee Muqdisho.

"Dadka dhaawacmay ayaa ahaa shacab wadada marayey," ayuu yiri Kabtan Cali Ibraahim Nuur, oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kaasoo u waramay mareega GO xafiiska magaala madaxda dalka.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha soo gaarey ciidamadda EU-da kuwaasi oo tababaro kala duwan u fidiya xoogaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.

AlShabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkan oo khasaaraha ugu badan u geystay shacab.

Horaantii maanta ayay ahayd markii weerar ku bilowday qarax lagu ekeeyay saldhiga Balidoogle oo xarun u ah ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Weeraradan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo lagu wado in bisha soo aadan ee October uu Muqdisho ka dhaco Shirka hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM