Dhimasho ka dhashay qarax Muqdisho lagula eegtay kolanyo EU-da ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay, saddex kelana way ku dhaawacmeen ka gedaal markii qarax lagula eegtay Muqdisho kolanyo ay leeyihiin Midowga Yurub.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya nooca uu ahaa qaraxa. Qaarkood waxay ku qeexayaan Miino, halka kuwa kalena ay ku sifeeyeen is-miidaamin lala eegtay ciidamadda ajaaniibta ah.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Kuliyadda Jaale Siyaad iyo Wasaaradda Difaaca ee degmadda Hodan ee Muqdisho.

"Dadka dhaawacmay ayaa ahaa shacab wadada marayey," ayuu yiri Kabtan Cali Ibraahim Nuur, oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kaasoo u waramay mareega GO xafiiska magaala madaxda dalka.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha soo gaarey ciidamadda EU-da kuwaasi oo tababaro kala duwan u fidiya xoogaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.

AlShabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkan oo khasaaraha ugu badan u geystay shacab.

Horaantii maanta ayay ahayd markii weerar ku bilowday qarax lagu ekeeyay saldhiga Balidoogle oo xarun u ah ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Weeraradan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo lagu wado in bisha soo aadan ee October uu Muqdisho ka dhaco Shirka hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM