Dib-u-dhac ku yimid furitaanka kalfadhiga 7aad ee BF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in ay dib-u-dhigeen furitaanka kalfadhiga 7aad ee goleyaasha.

Kal-fadhiga ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo 20-ka April, sanadka 2020. Sababta baaqashadda waxaa lala xiriiriyey xaalada haatan taagan ee Coronavirus, cudurkaas oo dunida heegan buuxa geliyey.

Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay afhayeenka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sarre, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayay ku sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonan "xiliga haboon".

Baaqashada iyo war-saxaafadeedka wadajirka ah ayaa kusoo aadaya xili ay jiraan warar sheegaya in labada mas'uul ay ku xiran yihiin Turkiga maadaama la joojiyey duulimaadyaddii caalamiga ah.

Covid-19 oo uu sababo fayruska Corona ayaa saameyn ku yeeshay qaybo kala duwan oo nolosha bini'aadamka ah, waxaana wali aan loo helin daawo taas oo meesha ka saartay saadaalin laga bixiyo.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey in ka badan 160 kiis oo badankooda laga soo sheegay magaala madaxda dalka ee Muqdisho, halkaas oo todoba ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin uu ku dilay.

Dowladda Federaalka ah ayaa soo rogtay talaabooyin ay kaga hortageyso faafitaan horleh oo caabuqa uu sameeyo, waxaana kamid ah bandow habeenkii, joojinta kulamada dadweynaha iyo duulimaadyada.

QORAALKA WADAJIR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM