Dibadbax rabshad wata oo ka dhacay Talex iyo mas'uliyiin la xirxirey

Image

May 10, 2015 (GO)- Rabshad ayaa ka dhacday degmada Taleex kadib markii ciidamada Somaliland goor hore oo saaka ah xabsiga u taxaabeen  qaar kamid ah waxgaradka Taleex.

Xubnaha la xirey oo tiradoodu saddex ahayd waxaa kamid ah nabadoon Cabdiqaadir Abyan Koore iyo Yaasiin Cali Cabdalle (Tamaad) oo isagu ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtey Puntland iyo Somaliland.

Mas'uuliyiinta la xirxirey waxaa lagu soo eedeeyey inay caqabad ku yihiin waan waan laga dhex wado labo beelood oo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamey isla degmada Taleex.

Xarigga kadib,  waxaa bilowdey dibadbax rabshad wata sidoo kale dhallinyaro caraysan ayaa weeraray halka ay magaalada Talex kaga sugun yihiin mas'uuliyiin ka tiran Somaliland oo maalmihii u dambeeyey halkaas ku sugnaa.

Rasaasta cidna wax kuma noqon, haseyeeshee hal qof oo dumar ah  ayaa ku dhaawacmey dhagxaan ay dadka dibadbaxa dhigayaa tuurayeen.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa xilligan ku sugan Taleex.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM