Digniin loo diray dadka gabaad-siinaya Soomaali aad loogu raadjoogo

Image

LONDON, Britain – Taliska booliska Ingiriiska ayaa u digay dadka gabaadka siinaya Cabdi Cali, Soomaali lagu tuhunsan yahay dil ka dhacay bishii July, 2018 isla markaana baxsad ah tan iyo waqtigaas uu falku dhacay.

War qoraal ah oo kasoo baxay bileyska ayaa lagu caddeeyay in cid kasta oo la ogaado in ay qarisay eedeysanaha ay cawaaqib la kulmeyso.

Booliska ayaa todobaadkii hore balanqaadey aduun dhan 6 kun oo Doolar oo lasiin doono cid walba oo keenta xog lagu xiro karo Cabdi.

29-jirkaan ku dhashay Soomaaliya ayaa qaxooti ahaan ku galay UK, waxaana uu deganaa magaalada Sheffield, balse fal-dambiyeedka ayuu ka geystay magaaladda kale ee caanka ku ah qaxootiga ee Cleethorpes.

Shaun Lyall oo 47-jir ah ayay dileen koox kale oo wehlisay kadib markii ay weerareen hoygiisa. Warar ayaa sheegaya in ay goobayeen daroogo. Qolka waxaa laga soo helay astaamo muujinaya in Cali uu qeyb ka ahaa.

Craig Whittle oo 45-sano jir ah ayaa xabsi daa'in loogu xukumay isla falkaan. Cabdi wuxuu wajihi karaa isla xukun noocaan ah hadii lasoo qabto.

Serena oo ah hooyada dhashay Shaun Lyall ayaa ka dhawaajisay in ciidamada ammaanka ay dedaal badan ku bixinayaan qabashada Cali.

"Ciidamadda aad ayay u kordhiyeen howlgalka qabashada Cali, qof kasta oo lagu helo in uu gabaad siiyey wuxuu wajihi doonaa dacwad halis ah," ayay kusoo qortey barteeda gaarka ah ee xiriirka dadweynaha Facebook.

Sikastaba ha ahaatee, Shaun Lyall ayaa wuxuu ahaa qof shacab ah. Intii ay socotay maxkamadeynta Whittle, waxaa la wariyey in jirdil xoogan loo geystay isla markaana kooxihii nolosha u aqoonaday ay is-yaqaaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM