Diidmada DF ee go'aanadii shirka Puntland oo ganafka lagu dhuftay

Image

GAROWE, Puntland – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wafdigii ka qeybgalay Shirka Wadatashiga Puntland ayaa naqdiyey hadalkii kasoo yeeray wasiirada xukuumada iyo xubno kale.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay dhinac isaga leexiyeen in ay taageersan yihiin diidmada dowladda ee qodobo ku jiray war-murtiyeedkii kasoo baxay shirweynaha oo socday muddo saddex maalmood ah.

Iyagoo meesha ka saarey in aan laga taligelin go'aanada madasha, wasiiradda iyo Xildhibaanada kasoo horjeestay qodobada qaar ayay ku tilmamaameen kuwa ka abaal-dhacay martiqaadkii iyo soo dhaweyntii loo fidiyey.

Madaxweyne Saciid Deni ayay ku bogaadiyeen qabashada shirka, oo ay tibaaxeen in qeybaha kala duwan bulshada ay soo dhaweyeen.

Qoraalka diidmadda wasiiradda xukuumadda Khayre ayay hoosta ka xariiqeen "in looga soo meeriyay" Madaxtooyadda Qaranka ama Villa Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, ayay ku dhaliileen "in uu marin-habaabiyey" qodobadii ku saabsanaa faragelinta ay dowladdu ku hayso maamul goboleedyadda, taas oo ay "aad ula yaabeen".

Kadib codsi uga yimid wasiirada oo ku saabsanaa in qodobada qaar laga saaro, dowladda Puntland ayaa ku adkeystay in aan wax isbedel ah lagu sameyn doonin war-murtiyeedkaas isla markaana ay fulineyso dhamaan.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM