Diinsoor oo ka baxdey gacanta Al-Shabaab, dowlada oo ka hadashey

Image

July 24,2015 (GO)- Ciidamada huwanta ah ayaa saaka gudaha u galay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadib markii maalintii shalay gelinkii dambe xoogaga Al-shabaab isaga baxeen magaladeaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in qayb kamida gudaha u galeen degmada Diinsoor, balse ka hakadeen miinooyin Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka gala magaladaas.

Inta badan dadka shacabka ah ayaa ka barakacay magaalada iyagoo u qaxay dhinaca degaanka Dooy oo ah dhul daaqsimeed, Al-Shabaab ayaa  dadka shacabka  ku cabsi galisay in isaga baxaan magaalada madaama ay go'doominayaan. 

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xaalada magaalada tahay mid degan waxaana xaafadaha qaar laga maqlayaa rasaas goos-goos ah.

Degmada Diinsoor ayaa ahayd degmadii u dambeysay ee Al-Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Baay, waana degmadii labaad oo gacanta ciidamada huwantaa gasha kadib qabsashadii Baardheere.

Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhiga Federaalka oo la hadley saxaafada ayaa sheegey in maamul dadku doortaan laga soo dhisi doono magaalooyinka Baardheere iyo Dinsoor.

Wasiirka Gaashandhiga ayaa wax laga weydiiyey cida xaqa u leh in maamul u soo dhisto magaalooyinka gacanta u galey ciidamada AMISOM madaama xoogag ay kala hogaaminayaan wadamada Kenya iyo Ethiopia qabsadeen degaanadaas.

Magaalooyinka Diinssor iyo Bardheere ayaa degaan ahaan kala hoos-taga maamulada dhowaan la dhisey ee Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Ciidamada Kenya iyo Ethiopia oo ka tirsan AMISOM ayaa gacanta ku haya gobolada Baay, Bakool, Gedo, Jubbada hoose iyo qaybo ka tirsan gobolka Jubada dhexe kuwasoo ka dhisan yihiin maamulo ay siyaasad ahaan tageeraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM