​Dilal iyo Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeella hoose

Image

BARAWE, Somalia- Labo Askari oo katirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Ambareeso,  ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dilka labada askari ayaa waxaa geestay Koox hubaysan, oo katirsan Al shabaab.

Deegaanka Ambareeso, wuxuu 10KM dhanka Koonfur uga beegan Degmada Baraawe, oo hadda ay maamulaan ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM.

Dhanka kale, Al shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhiga AMISOM ee deegaanka Ceel-jaalle, oo duleedka magaalada Markoo ku yaallo, waxaana weerarkaasi fuliyay rag katirsan Kooxda Al shabaab.

Al shabaab ayaa sheegtay inay dagaalka khasaaro ku gaarsiisay ciidamada AMISOM.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kama uusan hadlin weerarada kala duwan ee ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in la weeraray saldhiga AMISOM ee  Ceel-jaalle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM