​Diyaarad aan duuliye lahayn oo ku dhacday gobolka Shabeellaha hoose

Image

BARIRE, Somalia- Diyaarad Drone ah, oo loo malaynayo in Militariga Mareykanku leeyahay ayaa ku dhacday deegaan ay maamusha Kooxda Al shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Diyaarada oo ahayd nooca wax Basaasa, ayaa ku dul-burburtay deegaanka Bariire, oo 60Km Koonfur-Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu, xilli ay howgallo basaas ah ka waday goobo Shabaab ku suganyihiin.

Aadan Xasan oo kamid ah dadka kuu nool Bariire ayaa u sheegay GO in Dagaalyanada Al shabaab ay tageen Goobta ay Diyaarada ku dhacday, kadibna qaateen qeybaha ka haray bur-burka Drone-ka.

Afhayeenka dhanka howlgallada Kooxda Al shabaab Sheekh Cabdicaiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Sanduuqa ay Diyaaradda ku keydisay xogta ay ka aruurisay deegaanadooda.

Muscab ma uusan sheegin in Diyaaradda ay soo rideen Al shabaab iyo inay cilad usoo dhacday. 

Ma aha markii ugu horaysay oo kooxdan gacanta ku dhigto haraadiga diyaarad aan duuliye wadan oo kusoo dhacday Koonfurta Somalia, balse sannadkan ayay ahayd markii ay goob fagaaro ah kusoo bandhigeen mid burburkeeda laga helay Koonfurta Somalia.

Sanadihii lasoo dhaafay, Militariga Mareykanka oo taageero siiynaya dowladda Somalia ayaa kordhiyay howlgallada dhanka basaaska ah ee u adeegsado Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

Mareykanka ayaa Drone ku dilay dhowr horjooge oo katirsan Al shabaab, kuwaasi oo kamid yahay Axmed Godane, oo Bishii September, 2015 lagu bartilmaameedsaday duleedka degmada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM