​Diyaarad aan duuliye lahayn oo ku dhacday gobolka Shabeellaha hoose

Image

BARIRE, Somalia- Diyaarad Drone ah, oo loo malaynayo in Militariga Mareykanku leeyahay ayaa ku dhacday deegaan ay maamusha Kooxda Al shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Diyaarada oo ahayd nooca wax Basaasa, ayaa ku dul-burburtay deegaanka Bariire, oo 60Km Koonfur-Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu, xilli ay howgallo basaas ah ka waday goobo Shabaab ku suganyihiin.

Aadan Xasan oo kamid ah dadka kuu nool Bariire ayaa u sheegay GO in Dagaalyanada Al shabaab ay tageen Goobta ay Diyaarada ku dhacday, kadibna qaateen qeybaha ka haray bur-burka Drone-ka.

Afhayeenka dhanka howlgallada Kooxda Al shabaab Sheekh Cabdicaiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Sanduuqa ay Diyaaradda ku keydisay xogta ay ka aruurisay deegaanadooda.

Muscab ma uusan sheegin in Diyaaradda ay soo rideen Al shabaab iyo inay cilad usoo dhacday. 

Ma aha markii ugu horaysay oo kooxdan gacanta ku dhigto haraadiga diyaarad aan duuliye wadan oo kusoo dhacday Koonfurta Somalia, balse sannadkan ayay ahayd markii ay goob fagaaro ah kusoo bandhigeen mid burburkeeda laga helay Koonfurta Somalia.

Sanadihii lasoo dhaafay, Militariga Mareykanka oo taageero siiynaya dowladda Somalia ayaa kordhiyay howlgallada dhanka basaaska ah ee u adeegsado Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

Mareykanka ayaa Drone ku dilay dhowr horjooge oo katirsan Al shabaab, kuwaasi oo kamid yahay Axmed Godane, oo Bishii September, 2015 lagu bartilmaameedsaday duleedka degmada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM