Diyaarad laga leeyahay Kenya oo shil ku gashay madaarka Baardheere

Image
Image
Image

BAARDHEERE, Jubbaland – Diyaarad laga leeyahay Kenya ayaa Axada maanta ah shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo isla markaana hoostaga maamulka Jubbaland.

Shilkan oo lasoo wariyey saacado kahor gaar ahaan subaxnimadii maanta ayaa illaa iyo hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee keentay.

Diyaaradda oo nooceedu yahay Fokker 50 kuna diiwaan-gishan 5Y WFC waxaa iska leh shirkadda duulimaadyadda Buff Air Services oo bixisa adeegyo daabulitaanka rakaab, agab iyo qalabka.

Shirkadda ayaa ka howlgasha garoonka diyaaradaha Wilson Airport oo ku yaala magaala madaxda Nairobi, balse kaliya ay ka duulaan diyaaradaha isaga kala goosha gobolada kala duwan ee Kenya.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay baaritaan ku socota sababta keentay shilka, iyagoo balanqaaday in ay fahfaahinta dib kasoo sheegi doonan.

Illaa iyo haatan lama soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay shilka. Sawirro laga soo qaadey goobta waxay muujinayaan diyaarada oo qeybteeda dambe ay dhulka taalo, qeybta hore lugta ay u baxsan tahay.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii diyaarad laga leeyahay Kenya ay ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM ay kusoo rideen magaalada Berdaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan duuliyeyaasha iyo shaqsiyaad ay u kireysneyd diyaarada oo sidday shixnad gargaar ayaa dhacdadaas ku naf-waayey. Guddiga wadajir ee baaritaanka loo saarey wali soo saarin warbixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM