Diyaarad dagaal oo ku burtey duleedka magaalada Kismayo

Image

Dec 4,2014 [GO]- Wararka warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in galabta mid kamid ah diyaaradaha dagaalka dowlada Kenya gaar ahaan nooca Miiga loo yaqaan ku dhacday duleedka magaalo madaxda Jubaland ee Kismaayo.
Diyaaradaan ayaa marka burburtey kasoo noqotay hawlgal duqeyn ah oo ay ka fulineysay duleedka deeganka Buulagaduud.

Sargaal u hadlay ciidanka cirka dalka Kenya ayaa sheegay in diyaarada ay u burburtay cilad awgeed.

Dhanka kale hawlgalka maanta duqeynta diyaarada Kenya ka fuliyeen deeganada Gosha ee uu maro wabiga Jubba ayaan la hayn wax faahdaahina khasaaraha ka dhashay.

Ururka Al-shabaab ayaa dhinaca kale sheegtey iney diyaarad dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya dagaal yahanadooda soo rideen.

Ciidamada cirka dowlada Kenya ayaa kor u qaadey duqeynta ay la beegsanayaan deeganada Jubbooyinka halkaasoo kooxaha al-shabaab ku ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi ah halka kooxdaanu kordhisay weerarada ay ku beegsanayaan dadka Kenyanka ah.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM