Diyaarad siday hub oo ku dhacday goob ay maamulaan kooxda “AS”

Image
Ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ee keenay in diyaaradda ay soo dhacdo.

Beledweyn, Soomaaliya - Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oo ka kacday magaalada Beledweyn kuna soo dhacday miyiga magaalada Xiindheer ee ku taala gobolka Galgaduud.

Diyaaradan ayaa siday hub iyo shaqaale ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana sida ay goobjoogayaal sheegeen suuragal ah in ay ku dhacday deegaanada ay maamulaan kooxda ‘AS’.

Laamaha ammaanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin shilkan diyaaradeed, waxaana jira in dowladda aanay inta badan shaacin shilalka nuucan ah.

Diyaaradda ayaa kusii jeeday magaalada Wisil, Koonfurta gobolka Mudug, si ay sahay u gaarsiiso ciidamada dawladda ee aagaas kula dagaallamaya xubnaha ‘AS’.

Ilaa iyo hada lama oga in diyaaradda lala eegtay weerar madaafiic loo adeegsaday ama in ay shil ku soo dhacday, iyo sidoo kale masiirka shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee saarnaa.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda AS ay soo dhaweysay cunuqbateynta hubka ee laga saaray dalka, iyaga oo sheegay in ay hub soo iibsan doonaan isla markaana ay jirto siyaabo kala duwan ay hub u heli karaan.

GAROWE ONLINE


Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM