Diyaarad waday rakaab ajnabi ah oo ku dhacday nawaaxiga Muqdishu

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Diyaarad waday lix ruux oo ajnabi ayaa si lama filaan ah caawa fiidkii hore ugu dhacday deegaanka Lafoole oo u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdishu.

Wararka ayaa sheegay in diyaaradani ku dagi wayday garoonka diyaaradaha Muqdishu, waxaana muddo ku dhaw hal saac dul hee-haabaysay hawada.

Dhammaan shaqaalaha saarnaa ayaa la sheegay inay badqabaan marka laga reebo qof soo gaaray dhaawac.

Lama oga cidda iska leh diyaaradan iyo halka ay u socotay waxaana ka soo baxaya warar iskhilaafan oo qaybtood sheegayaan in laga leeyahay dalka Masar isla markaana alaab u waday ciidamada nabad ilaalinta Somalia u jooga ee AMISOM.

Ilaa hadda diyaaradan oo ku dagtay afaafka hore xarun ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaankasi, kama hadlin xukuumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM