Diyaarad Xamuul ah oo ku Dhacday Koonfurta Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad xamuul ah ayaa ku dhacday qiyaastii 13 kiiloomitir meel uga beegan koonfurta Muqdisho fiidnimadii Sabtida caawa, sida ay sheegeen dad goobta u dhow.

Diyaaradda, oo ah DHC-5 oo lambarka diiwaangelinteedu yahay 5Y-RPA, ayaa ahayd mid ay saarnaayeen dhowr qof oo shaqaale ah, waxaana ay ka timid magaalada Dhobley ee ku dhow xuduuda Kenya, iyadoo u socotay caasimadda Soomaaliya markii ay dhacday.

Diyaaraddu waxaa soo wajahay cilado farsamo kahor inta aysan kasoo duulin Dhobley, balse arrimahaas ayaa la sheegay in la xalliyay, sida uu sheegay ilo xog-ogaal ah.

Waxaa saarnaa 4 illaa 5 xubnood oo dhammaantood la sheegay inay yihiin muwaadiniin Kenyan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM