Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK ee dhawaan lagu arkay Muqdisho ayaa weli gacanta Turkiga ku jira, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan haysan mid ka mid ah diyaaradahaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga.

Xoghayaha wasaaradda ayaa sheegay in diyaaradaha la arkay ay ka tirsanyihiin howlgalka Turkiga ee Soomaaliya, isla markaana u adeegaya tababarro iyo howlgalada ciidamada Turkiga ee ka howlgala gudaha dalka, ayna qayb ka ahayn qalabka milatari ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, saraakiil amni ayaa tilmaamay in qalabka militariga ee dhawaan la keenay Muqdisho uu kaliya ku suganyahay saldhigga TurkSom, halkaas oo Turkiga uu ku tababaro ciidamo Soomaaliyeed. Saraakiisha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay weli ku hawlan tahay qorshayaasha lagu xoojinayo awooddeeda difaaca, laakiin diyaaradaha casriga ah ee T129 ATAK aysan weli qeyb ka ahayn.

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay, taasoo ka careysiisay saraakiisha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya. “Diyaaradaha T129 ATAK waxay weli u adeegayaan howlgalka Turkiga, mana aha hantida ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga.

Falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa sheegay in xaqiiqdaasi ay muujinayso in Soomaaliya ay weli ku tiirsan tahay taageerada dibadda ee qalabka militari iyo tababarka, isla markaana horumar kasta oo dhinaca hubka ah uu ku xiran yahay heshiisyada ka dhexeeya dowladda iyo dowladaha taageera.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM