Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo duqeyn ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkiga ayaa duqeymo ka fuliyay jiinka webiga ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay muddo toddobaad ah dagaallo kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa lagu beegsaday goobo ku yaalla jiinka webiga ee Basra, oo ku dhaw caasimadda Muqdisho, waxaana la soo sheegay in duqeymaha ay sababeen khasaare xooggan, oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo milatari ka wada deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe, iyadoo dagaalladu ay socdaan muddo toddobaad ah.

Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay duqeymaha ama bartilmaameedyada sida gaarka ah loo beegsaday ayaan weli la shaacin.

Turkiga oo saldhig weyn oo military ka furtay deegaanka Jaziira 2017 ayaa kordhiyay joogtaankiisa Ciidan ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib dagaal iyo diyaaradaha F-16 keenay dalka, si uu u difaaco danihiisa maalgashiga khayraadka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM