Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystey duleedka degmada Jilib

Image

November 25, 2014 (G)- Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa maanta duqeyn ka geystey meel u dhow tuulada Hargeysa Yarey oo hoos tagta degmada Jilib ee gobllka Jubabda Dhexe.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo duqeynta iyo weliba khasaaraha ka dhashay haseyeeshee goob-joogeyaal ku sugan deegaanka Hargeysa Yarey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay maqlayeen hugunka madaafiicda iyo guuxa diyaaradaha.

Diyaaradaha dagaalka ee militeriga Kenya ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey wadey duqeymo ay la beegsanayaan fariisimaha kooxda Al-shabaab ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Kenya ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in duqeyn diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobolka Gedo lagu diley ku dhowaad boqol xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Milieeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa Sabtidii lasoo dhaafay toogasho ku diley 28 qof oo macalimiin u badnaa, kadib markii ay kala degeen gaari bas ah oo ay ku safrayeen, dadkaasoo xiligii weerarku dhacay ka tegey degmada Mandheera kuna sii jeedey magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM